264 Views

Arday u dhashay Nigeria oo xabsiga loo dhigay in uu aflagaadeeyey Marwada Madaxweynaha

Arday u dhashay Nigeria oo xabsiga loo dhigay in uu aflagaadeeyey Marwada Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 30, 2022

Dalka Nigeria waxaa ka jira caro sii kordheysa oo ka dhalatay xarigga arday dhigta jaamacadda oo ay xireen ciidanka ammaanka ka dib markii lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey xaaska Madaxweynaha Muhamadu Buhari mar uu twitterka waxku qoray.

Aminu Adamu Mohammed ayaa haatan xabsiga sida uu qareeenkiisa Chijioke Kingsley Agu u sheegay BBCda .

Qareenka ayaa sheegay in macmiilkiisa laga soo dacweeyey maxkamadda sare ee degmada Maitama ee caasimadda Abuja maalinimadii Talaadada.

Ardayga ayaa beeniyey hal dambi oo ah aflagaado.

Qareenkiisa ayaa sheegay in ay codsadeen damiin uuna rajeynayo in loo tixgelin doono arrintaa 48 saac ee soo socda .

Ardaygan oo 23 jir ah ayaa lagu warramay in la xiray horraantii Bishan ka dib markii lagu eedeeyey in uu baraha bulshada soo dhigay sawirka marwada koowaad ee Nigeria Aisha Buhari oo ay soo raacdo faallo lagu qoray afka Hausa oo uu ku sheegayo in ay ku cayishay markii ay si xun u adeegsatay hantida dadweynaha .

Madaxda weli kama aysan hadlin kiiskan laakiin waalidiinta Mohammed waxay ka baryeen Xaaska Madaxweynaha Mrs Buhari in ay cafis u fidiso wiilkooda .

Wiilkan ayaa lagu wadaa in imtixankiisii ugu dambeeyey Isniinta oo socota isaga iyo ardayda ay isku fasalka yihiin . Ma cadda in la sii deyn doono oo uu imtixaanka sidaas k ugali doono iyo in kale .

Dadka isticmaala baraha bulshada iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey sida loola dhaqmay wiilkaaswaxayna ku baaqeen in degdeg loo sii daayo

Horraantii Bishan ayaa labo ka mid kuwa isticmaala Tiktok la ganaaxay laguna karbaashay meel fagaare ah ka dib markii ay maxkamad ku heshay in ay afla gaadeeyeen guddoomiyaha gobolka Woqooyi ee Kano oo ku soo bandhigeen muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post