798 Views

Meydka mid kamid ah dadkii doonta la rogmatay oo la helay

Meydka mid kamid ah dadkii doonta la rogmatay oo la helay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in guddi loo xilsaaray Baadi goobka dadkii ay doonta la qalibantay shalay ay heleen meydka mid kamid ah dadkii saarnaa doontaas.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Shabeelow ee duleedka Baladweyne laga helay Meydka Nin lagu Magacabi Jiray Shariif Xasan  Ganeey kana mid ahaa ganacsatada Magaalada Beledweyne.

 

Sidoo kale guddiga loo xilsaaray baadi-goobka dadkii ay doonta la rogmatay ayaa weli waxaa ay wadaan Shaqadooda,waxaana mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in qaar badan oo doonta saarnaa Nolol ama Geeri lagu la’yahay.

 

Doonta Shalay barqadii rogmatay ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday 10 ruux halka laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Duqa degmada Beledweyne Safiye Sheekh Xassan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment