1002 Views

Wasaaradda gaashaandhiga Iran oo shaacisay in Markab dagaalka uu ku degay meel u dhaw

Wasaaradda gaashaandhiga  Iran oo  shaacisay in Markab  dagaalka uu ku degay meel u dhaw
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Wasaaradda gaashaandhiga dalka Iran ayaa shaacisay in mid ka mid ah maraakiibteeda dagaalka uu ku degay meel u dhaw gacanka Hormus kadib markii uu dab qabsaday kadibna uu gubtay.

Markabka gubtay oo la yiraahdoo Khaarag ayaa ka mid ah maraakiibta dagaal ee Iran leedahay kuwooda ugu waa weyn waxaana uu ku gubtay meel u dhaw jasiirad ceelal shidaal ku yaalaa oo ku taala gacan biyoodka Hormus.

Illaa iyo 400 oo askari oo tababar ahaan u saarnaa markabkaan ayaa la badbaadshay hase ahaatee markabku quusay

Sidoo kale Warbaahinta dalka Iran ayaa sheegtay in 20 askari ay soo gaareen dhaawacyo fudud kuwaasoo loo qaaday xarumo caafimaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post