702 Views

Lataliyaha 1aad Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti oo la kulmay Madaxa Xafiiska QM ee dalkaas

Lataliyaha 1aad Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti oo la kulmay Madaxa Xafiiska QM ee dalkaas
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 10, 2021

 Lataliyaha koowaad Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti mudane Jabriil Afyare ayaa kulan la qaatay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Djibouti oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xaaladda dalka iyo caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Djibouti ku nool.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladda guud ee geeska Afrika qaas ahaan arimaha qaxootiga iyo tahriibayaasha.

Mudane Jabriil Afyare ayaa kala hadlay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Dalka Djibouti qaabkii loo wajihi lahaa xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed hadii ay timaado xaalad deg deg. Waxaa kale uu kala hadlay sida loo daryeelo qaxootiga iyo tahriibayaal Soomaaliyeed ee ku sugan Djibouti, qaas ahaan in ay helaan daryeel caafimaad oo la xiriirta COVID-19.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post