444 Views

Midowga Yurub oo Cune-qabteyn qabateyn ku soo rogay Saraakiil Belarusian ah

Midowga Yurub oo Cune-qabteyn qabateyn ku soo rogay Saraakiil Belarusian ah
____________________________________________________________________________


khamiis: March 3, 2022

Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogay 22 ka tirsan saraakiisha sar sare militariga Belarus, sabab la xiriirta doorka ay ka qaateen  caawinta duulaanka Ruushka ee Ukraine .

Lix Jeneraal iyo 16 kornayl ayaa lagu daray liiska madow ee Midowga Yurub kaasi oo keenaya in laga xanibo Socdaalka iyo Hantida u taalla dalalka ka tirsan Midowga.

“Belarus waxay ka qaybqaadanaysaa duullaanka gardarada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine iyadoo militariga Ruushka u oggolaatay in ay dhulkeeda ka duullaan” dukumentiga cunaqabateynta rasmiga ah ayaa lagu yiri.

Cuneqabateytan ayaana ku soo aadeysa Xilli Dowladda Ukraine ay ku eedeysay Beralus in ay qeyb ka tahay duullaanka uu Ruushka ku qaaday toddoba maalin ka hor.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post