3099 Views

Booliska Kenya oo sheegay in ay dileen Nin Shabaab ka tirsan oo ay raadinayeen

Booliska Kenya oo sheegay in ay dileen Nin Shabaab ka tirsan oo ay raadinayeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 19, 2017-Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay toogteen oo uu dhintay in ka tirsan Al-shabaab ilamarkaana ku jiray liiska Xubnaha ku jira Al-shabaab ee ay Booliska Raadinayeen.

Ninka ay sheegayaan in ay toogteen Booliska Kenya waxaa lagu magacaabaa Xuseen Saciid Cumar,waxaa ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Raggii ka tirsanaa Al-shabab ee ka dambeeyay weerarkii Mpeketoni ee dhacay June 2014kii kaas oo ay ku dhinteen 60 Qof dad kor u dhaafaya.

Boolisku waxaa ay sheegeen in Xuseen oo sidoo kale loo yaqaan Babli,ay ku daba jireen tan iyo 2015kii xilligaas oo la soo saaray liiska dadka madaxoda lacagta lagu doonayo.

Booliska la dagaallanka Kenya ayaa sheegaya in Xuseen iyo walaalkii oo isna lagu magacaabo Amxed ay ka tiorsanyihiin Al-shabaab,dad badan oo Kenyaan ahna ku laayeen degaannada kala ah; Mwalei, Pandanguo iyo Milihoi ee Dalka Kenya.

Walaalka la dhashay Xuseen oo lagu magacaabo Axmed ayey Boolisku sheegayaan in ay isna ku daba jiraan,toogasha Xuseen waxaa ay ka dhacday Guri uu ku jiray oo ku yaalla Degaanka Bamburi,halkaas oo ay is rasaaseyn ku dhexmartay isaga iyo Booliska kaddibna laga awood badiyay lana toogtay.

Waxaa ay Booliska Kenya ku eedeeyeen Xuseen in uu Al-shabaab iyo Daacish ka caawiyo u qoridda Dhallinyarad Kenyaanka ah,sidoo kalena yahay fududeeye la shaqeeya labadaba,kaas oo dhallinyarada u shida Cajalado muuqaallo ah oo Dadka Daacish iyo Al-shabaab u qaabilsan Tashkiilinta ay duubaan

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment