1815 Views

SAWIRO: Faahfaahin Laga Helayo Qarax ka dhacay Muqdisho

SAWIRO: Faahfaahin Laga Helayo  Qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 9, 2019 – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhacay xilli inta badan ay hurdeen dadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay darbiga guri ku yaalla dhabarka dambe ee Kaalinta Sopico oo ku taalo ka soo horjeedka Xaafadaha Warshada taraqa & Sigaarka ee laamiga Warshadaha.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ma uusan gaysan Khasaare marka laga reebo darbiga gurigaan oo bur buray.

Ciidanka Booliska ayaa soo xiray shaqsiyaad ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay, waxaana hadda ay waddaan baaritaano Amniga lagu xaqiijinaayo.

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment