699 Views

Madaxweynaha Galmudug oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka.
____________________________________________________________________________

Isniin: May 16, 2022

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee caawa kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post