972 Views

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo  la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinaca uga wada hadleen oo ay diiradda ku saareen xaalada guud ee Galmudug, arrimaha Doorashooyinka dalka ka bilaawday iyo horumarinta degaannada kala duwan ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogtay magaalooyinka Puntland iyo Galmudug iyadoona kulamo ka la duwan layeelaneeysay mas’uuliyiinta maamuladaas.

Kulanka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uu la yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan la filayo in degaannada Galmudug ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post