1377 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in laga tanaasulay Mooshinkii Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in laga tanaasulay Mooshinkii Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2018 – Qoraal goor dhow ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay inuu meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, sida in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka iyo in aanu dalku laheyn weli Maxkamad Dastuuri ah ee qaadi laheyd dacwada Madaxweynaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee keenay Mooshinka ay ka tanasuleen xaqoodii dastuuriga ahaa, iyagoo u turaya xaalada dalka uu ku jiro.

Arrintan ayaa imaaneysa, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay ay wada hadalo hoose ah socdeen, lama oga illaa hada waxa lagu heshiiyay ama lagu bedeshay tanaasulka Mooshinka oo noqday mid dhabar jab xooggan ku aheyd Madaxweynaha.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka:-

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment