639 Views

Shaqaale caafimaad oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir

Shaqaale caafimaad oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 23, 2021

Tababr socday muddo labo todobaad ah kuna saabsanaa daryeelka iyo daaweynta dhallaanka yar yar (Neoantal Care Training Course) ayaa la soo gabo gabeeyay, kaasi oo qeybtiisa 1aad Tababarkan loo qabtay Shaqaalo Cafimaad oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xirfadlayaashan ayaa tababarka ku qaatay gudaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir qaybtisa gargaarka deg degga ee dhallaanka (NICU). Tababrkaas waxaa hormuud ka ahaa Dr. Ubax Faarax Axmed, Agaasimaha Caafimaadka Qoyska iyo Dr. Bashir Xuseen Cismaan oo ah  dhakhtar ku taqasusay daaweynta cudurada caruurta.

“Waxaan bogaadin u soo jeedinaynaa Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo xil adag iskasaartay sare u qaadista aqoonta shaqaalaha Caafimaadka. Dhanka kale waxaan amaan iyo mahadcelin mudan Mamulka iyo Shaqaalahha Isbitaalka Banadir oo matigeliyay tababrkan qaatay muddada labada Isbuuc”. Ayay tiri Agaasime Ubax Faarax.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post