1371 Views

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kadib booqasho kooban oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa waxaa Baydhabo ka soo sagootiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post