678 Views

130 qof oo kulayl ba’an ugu dhintay galbeedka waddanka Canada

130 qof oo  kulayl ba’an ugu dhintay galbeedka waddanka Canada
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

In ka badan 130 qof ayaa todobaadkan kulayl ba’an ugu dhintay galbeedka waddanka Canada, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dowladda.

Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka kulaylka u geeriyooday badankoodu ahay ahaayeen waayeel da’ ah, islamarkaana xamili waayay heer-kulka oo gaaray  49.5 degrees Celsius.

Sido kale, magaalooyin Portland Oregon, Seattle iyo Washington ee dalka Maraykanka, waxaaa saameeyay kulayl aad u daran oo gaaraya 42C ilaa 46C.

Heer-kulkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee dunida laga diiwaan-geliyay tan iyo sannadkii 1940.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post