1929 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Difaaca UK

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Difaaca UK
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 01- 2018–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne (Farmaajo) iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen ammaanka gobolka, midka Soomaaliya, Kordhinta taageerada UK ee Soomaaliya iyo Siyaadada.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod).

Dhinacyadan ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada, Xoghayaha Difaaca UK ayaa wuxuu balan qaaday inay kordhinayaan taageerada dhan kasta ee Soomaaliya.

Sidoo kale xoghayaha ayaa wuxuu la kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM, wuxuuna dhankooda u balan qaaday inay ka taageerayaan dhinacyada ciidamada.

 

1 2 3 4

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment