1017 Views

Baraha bulshada Turkiga waxaa si weyn ugu faafay qoraal ku saabsan in uu “dhintay” madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

Baraha bulshada Turkiga waxaa si weyn ugu faafay qoraal ku saabsan in uu “dhintay” madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

Baraha bulshada ee waddanka Turkiga waxaa si weyn ugu faafay qoraal ku saabsan in uu “dhintay” madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

Sida ay tabisay BBC-da laanteeda af Turkiga, barta Twitter-ka ayay tan iyo shalay tobannaan kun oo ruux ku faafinayeen geerida Erdogan, arrintaas oo abuurtay caro weyn.

Madaxweyne Erdogan qudhiisa ayaa gudbiyay cabasho ka dhan ah dadka faafinaya hashtag-ga Twitter-ka ee meel ka dhaca ku ah isaga.

Sheegashada been abuurka ah ee lagu dhibaateynayo madaxweynaha ayaa soo socotay tan iyo galinkii dambe ee Talaadadii, waxaana sii kordhaya dadka xoojinaya warkaas marin habaabinta ah.

Sida ay tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn Turkiga ee DHA iyo NTV, waxaa kiis dacwad dambi ah laga diiwaan galiyay xafiiska dacwad oogaha guud uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Agaasimaha guud ee amniga qaranka ayaa sidoo kale shaaciyay in saaka aroortii ka qaaday tallaabo sharci ah oo ka dhan ah 30 qof oo lagu eedeeyay inay “aflagaaddeeyeen sharafta madaxweynaha” ayna “xog marin habaabin ah ku khaldeen shacabka”.

Dadkaas ayaa dhammaantood loo heystaa arrinta ku saabsan “dhimashada” lagu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Turkiga (AKP), Recep Tayyip Erdoğan.

Ilaa hadda 50,000 oo jeer ayaa shalay ilaa hadda baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka la iskula wadaagay warka ka careysiiyay madaxweynaha.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli Turkiga ay ka taagneyd hadal heynta ku saabsan kaftanka mooska oo xanaaq badan ka dhex abuuray dalka Turkiga.

Maalmihii lasoo dhaafay, Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda Suuriya ku eedeeyay inay “nacayb abuurayaan” iyagoo moos u cunaya “qaab caro kicinaya”.

Dad badan oo kasoo jeeda Suuriya ayaa arrintaas darteed xabsiga loogu taxaabay, waxayna wajahayaan in laga musaafuriyo Turkiga.

Mooska ayaa hadda astaan u noqday kala qaybinta shacabka, iyadoo arrintan ay abuureyso cadaawad ka dhan ah bulshada reer Suuriya ee ku nool Turkiga.

Khamiistii lasoo dhaafay, warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in booliska Turkiga ay xireen 11 qof oo u dhashay Suuriya, kuwaasoo baraha bulshada soo dhigay muuqaallada mooska, iyagoo ku eedeeyay inay “kicinayaan naceyb”.

Mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkiga ayaa sheegay in “ay musaafurin doonaan dadkaas kaddib markii loo diyaariyo warqadaha ay uga baxayaan waddanka”.

Waxaa hadda socda dadaallo la xiriira sidii “bannaanka loo soo dhigi lahaa dhammaan muuqaallada carada abuuraya” dadka soo sameeyayna waa in lala tacaalo”, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay agaasinka Waaxda Socdaalka ee Turkiga.

Kaddib maalintii Axadda, booliska Turkiga waxay xabsiga u taxaabeen wariye u dhashay Suuriya oo lagu magacaabo Majed Shamaa, kaasoo Istambul ka sameeyay warbixin telefishin oo ku saabsan xujada mooska.

Kaftanka Mooska ayaa markii hore ka billowday muuqaal ku saabsanaa dhaqaale xumada soo food saartay Turkiga. Waxaa indhaha dadka reer Suuriya soo jiitay nin Turki ah oo sheegayay in uusan awoodin mooska badan ee ay dadkaas ka iibsadaan suuqa, sidaasna waxaa ku faafay ku maadeysiga mooska.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post