1458 Views

War deg deg ah: Ciidamada Itobiya oo Weerar ku bilaabay fariisomo ay joogaan Maleeshiyaadka TPLF

War deg deg ah: Ciidamada Itobiya oo Weerar ku bilaabay fariisomo ay joogaan Maleeshiyaadka TPLF
____________________________________________________________________________


Jimco: October 8, 2021

 Wararka ka imaanaya Itobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Itobiya, ay bilaabeen Weerar ka dhan ah Maleeshiyaadka  TPLF.

Warar hor dhac ay ayaa sheegaya in Ciidamada Itobiya ay Weerareen magaalooyin  iyo Fariisimo ay joogeen Maleeshiyaadka Tigrega gaar ahaan Deegaan lagu magacaabo ,Geregera,Woketa,iyo deegaanka lagu magacaabo Arbit oo dhammaan ku yaalla waqooyiga dalka Itobiya.

sidoo kale Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu caawa sii xoogeystay, waxaana Ciidamada Itobiya mudooyinkii la soo dhaafay ay wadeen Diyaar Garow, Dagaalka ka dhan ka ah maleeshiyaadka TPLF.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha Dagaalkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post