1347 Views

Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyey Xeebaha Liibiya

Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyey Xeebaha Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 06,, 2019  –Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalkaasi, Ayuub Qaasim waxa uu sheegay inay shalay qaadeen 2 hawlgal oo ay ku soo badbaadiyeen 125 Tahriibayaal ah meel ka baxsan Xeebaha Galbeedka dalkaasi.

Hawlgalka 1-aad oo lagu soo badbaadiye 80 Tahriibayaal waxa uu ka dhacay meel 103 KM ka baxsan Xeebta Degmadda Zawiya, oo 45 KM dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Hawlgalka 2-aad ayuu sheegay inuu ka dhacay meel ka baxsan Ceelka Shidaalka ee Buuri oo 65 KM dhanka W/galbeed kaga toosan magaalladda Tripoli, wxaaama halkaasi lagu soo badbaadiyey 45 Tahriibayaal la socday dooni nooca la buufiyo oo jabtay.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalkaasi, Ayuub Qaasim waxa uu sheegay inay 500 oo Tahriibayaal ah soo badbaadiyeen isbuucii la soo dhaafay.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM waxay sheegtay inaan Tahriibayaashaas la soo badbaadiyey dib loogu celin doonin xraumaha dadka lagu hayo sababo dhanka ammaanka iyo dagaalladda weli ka socda nawaaxiga magaalladda Tripoli.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in dagaalladda u dhexeeya Ciiddanka Dowladda Libiya ee ay QM aqoonsan tahay iyo kuwa u daacadda ah Khaliifa Xaftar lagu dilay 607 qof, laguna dhaawacay 3,261 qof.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment