867 Views

Maxkamada Sare oo maanta bilowday dhageysiga Kursiga HOP#086

Maxkamada Sare oo maanta bilowday dhageysiga Kursiga HOP#086
____________________________________________________________________________


Talaado: April 19, 2022

Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwadii uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ka gudbiyay Guddiga doorashooyinka ee FEIT, kadib markii ay shaaciyeen guddiga in kuriga HOP#086 iyo kuraas kale dib loogu laabanayo doorashadooda, balse labo kamid ah is afgarad laga gaaray inaan lagu celin doorashadooda.

Dhegeygsi dacwada kursigaas waxaa ka qeyb galaya dhinacyo kale duwan oo ay ka mid yihiin Xubno ka socda Guddiga FEIT,  qareenada u dooda Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA sidoo kalena ah Lataliyaha dhanka amniga ee Madaxweynaha Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Qaranka.

Xafiiska Garyaqaanka guud ee Qaranka ayaa hore ugu amray Maxkamadda Sare ee dalka inay qaateen go,aankii guddiga FEIT oo ay ku hakiyeen doorashadiisa, maadama ay guddiga joojintiisa ay u cuskadeen inuusan marin doorashada kursigaas habraacii saxda ahaa.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle oo la xiriira kursiga HOP#086 ayaa lagu sheegay in kursiga  HOP#86 uu ahaa kuraasta fara ku tiriska ah ee si hufan loogu doortay doorashada dalka ka dhacday ee 2022.

Sidoo kale Hirshabeelle ayaa soo saartay go,aankeeda ku aadan Kuraas labo ah oo la fasaxay kuwaas ay tabasho xoog leh ka qabeen dhigeeda Koofur Galbeed, balse lagu celiyay hal kursi oo ay Guddiga sheegeen in lagu celinayo doorashadiisa kaas oo ah HOP#154.

Hirshabeelle ayaa sheegtay in aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post