318 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal
____________________________________________________________________________

Axad: JANUARY 1, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo  dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekhu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga rajeeyay in hoygiisa ka yeelo Janatul Firdosa.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal. Sheekhu  waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa inta badan ku bixiyay fidinta diinta islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post