1782 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo go’aan la yaab leh ka qaatay dalab kaga yimid MD Farmaajo

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug  oo go’aan la yaab leh ka qaatay dalab kaga yimid MD Farmaajo
____________________________________________________________________________

Sebti, 12 Juun [Qaranimo Online] Khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali daahir Ciid ku sameeyey Wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi waayeel) ayaa sii xoogeystay kaddib markii Madaxweyne MC Farmaajo oo si weyn kaga carooday xil ka qaadista Cabdi waayeel u yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Qoorqoor ayaa ka horyimid dalabka Madaxweynaha, ee ahaa in Cabdi waayeel xilkiisa dib loogu magacaabo, wuxuuna ku adkeystay Qoorqoor in xaalada sideeda lagu dhammeeyo, mudanaha xilka laga qaaday na dowladdu ay xil kale u magacowdo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa arrintaasi meel adag ka istaagay, isaga oo dhinaciisa ku adkeystay inuu diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo intii uu aqbali lahaa dib u magacaabista Cabdi waayeel.

Khilaafka Cali daahir ciid & Cabdi waayeel ayaa ka bilowday markii la isku qabtay sidii uu u maamulay wasiirka xilal la filayay in si siman ay beeshu u qeybsato, iyada oo la sheegay in Cabdi waaye u sed-buriyey jufadiisa, taas oo ka careysiisay Cali daahir Ciid..

Madaxweyne Farmaajo ayeey ku dhacday xaalad la mid ah “beerkaba laf kama fileyn” markii soo jeedintiisa ay gaashaanka u daruureen Qoor-qoor & Cali ciid oo ka mid ahaa raggii ay isugu dhowaayeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post