1641 Views

Nicholas Haysom”Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha 14-kii October”

Nicholas Haysom”Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha 14-kii October”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u garab taaganyahay dhibbanayaasha musiibadii 14-October ee sannad ka hor ka dhacay bartamada magaalada Muqdisho.

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidaa sheegay mar uu maanta ka hadlay xaflad koobnayd oo lagu qabtay xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa (IEDs).

Dad kale oo gaaraya 316 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa xubin ka mid ah shaqaalaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay, Faiza Sheekh Maxamuud.

“Anigoo maalintan xusuusanayna dadkii geeriyooday, waxaan ugu baaqayaa xoogagga kooxaxa xagjirka ah inay ka haraan inay walxaha qarxa hub ahaan ugu adeegsadaan dagaalka fallaago,” ayuu yiri Mudane. Haysom. “

Weerarrada qaraxyada oo aan loo meeldayin awgood, sida caadada ah dhibbanayaashu inta badan waa dad rayid ah oo aan waxba galabsan  oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Ma jirto wax ujeeddo siyaasadeed ah oo weligeed lagu gaari karo dil aan loo meeldayin oo loo geysto dad rayid ah.”ayuu sii raaciyey Nicholas Haysom

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale amaanay adkeysiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna garowsaday sida uu u sii socdo oo aan marnaba istaageynin horumarka uu dalku ku tallaabsanayo si uu u gaaro nabad iyo barwaaqo inkastoo ay jiraan dhacdooyin argagaxiso.

“Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaaray dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017,Waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jirka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun.” ayuu yiri Mudane Haysom.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment