978 Views

Taageerayaasha Madaxweyne Trump oo isugu soo baxay Washington

Taageerayaasha Madaxweyne Trump oo isugu soo baxay Washington
____________________________________________________________________________

Tobanaan kun oo ka mid ahaa taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii shalay ilaa xalay ka dhigay caasimadda Mareykanka ee Washington D.C bannaanbaxyo ay ku taageerayeen sheegashada aanan wali cadeynta loo helin ee uu madaxweynaha ku sheegtay in doorashadii madaxtinimada la musuq-maasuqay.

Dhowr isu soo bax ayaa la qabtay, oo ay ku jiraan Million MAGA March, Haweenka taageera Trump iyo banaanbax loogu magac daray Jooji Xatooyada, kuwaas oo dhammaantood soo bandhigay sheegashooyin aan caddayn wadan oo ah in la xaday codbixintii doorashada madaxweynaha.

Trump ayaa diiday in uu qiro in tartankii madaxweynenimo uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden, isaga oo ku sababeeyay khaladaad ka jira dhawr gobol oo si weyn loogu loollamay.

Saraakiisha doorashada ee gobollada ayaan soo sheegin wax isdabamarin culus oo dhanka codbixinta ah oo saameyn ku yeelan kara natiijada tartanka.

Dibadbaxyadu ayaa dhacaya xilli la saadaaliyay in Biden uu si aqlabiyad leh ugu guulaystay doorashada, islamarkaana uu si baaxad leh uga kormaray tiradii 270-ka ergo ee looga baahnaa musharraxa ku guuleysanaya Aqalka Cad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post