1104 Views

Cilmi Cali oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

Cilmi Cali oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Cilmi Cali Cabdi u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Wareegto ka soo baxyday xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in markuu arkay Qodobka 50aad, farqadiisa 5aad ee dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, markuu arkay ahmiyadda ay leedahay in la magacaabao Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, markuu tixgigeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay, markuu la tashaday Madaxweynaha ku-xigeenka Galmudug ayaa waxa uu Cilmi Cali Cabdi u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Wareegtada ayaa laamaha ammaanka la faray inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgadguud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post