1011 Views

Walaac laga muujiyay Ciidamo badan oo lagu arkay waddooyinka Muqdisho

Walaac laga muujiyay Ciidamo badan oo lagu arkay waddooyinka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

Maanta inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa lagu arkayaa Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay sugayaan goobta doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ay ka dhici doonto xarunta teendhada Afisyooni.

Balse, Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro tuhuno badan laga qabo ciidankaas kaas oo la xiriira in ciidaankaan loo adeegsan doono in ay xiraan waddooyinka guud ee magaalada Muqdisho.

Ciidankaan ayaa badankooda lagu arkay xalay agagaarka goobaha ay degan yihiin musharixiinta iyo Hoteelada ka agdhow Airport magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Illaa hadda majirto wax talaabo ah oo ay ciidaankaan qaadeen oo ku saabsan inay gabi ahaanba waddooyinka ay xiraan, balse waxaa jira walaac xoogleh oo ay qabaan mas’uuliyiinta mucaaradka iyo dadka deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post