414 Views

Q.Midoobay oo lacag ka badan 8 milyan ugu deeqday ka hortaga macluusha Soomaaliya

Q.Midoobay oo lacag ka badan 8 milyan ugu deeqday ka hortaga macluusha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha bini’aadannimada ayaa bixisay lacag dhan 9.5 milyan oo doollarka Maraykanka ah si ay gargaar degdeg ah ugu fidiso bulshooyinka ku dhaqan meelaha khatarta macluusha ah ay ka jirto ee Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya aaa sheegay in saamayn xoogan ay ku yeelatay macluusha jirta bulshada ku dhaqan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Abdelmoula ayaa ku sheegay hadal qoraal ah oo uu ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya in khatarta macluusha iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay masiibo bini’aadantinimo, haddana maalgelinta loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya ayaa weli ah mid aan ku filnayn si looga hortago natiijooyinka ugu xun,” ayuu yidhi Abdelmoula.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, khatarta macluusha ee Soomaaliya ayaa sii korortay ka dib xilli roobaadkii afaraad oo taariikhda aan wax roob ah ka da’in Soomaaliya, Iisla markaana xaaladaha abaareed ee sii kordhaysa ay saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof ayna barakiciyeen in ka badan 900,000 oo qof oo kale oo guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, kuwaas oo badi ay yihiin haween iyo carruur.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaalaha ay bixisay inuu kor u qaadi doono jawaab celinta degdeg ah, si looga hortago natiijooyinka ugu xun ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post