516 Views

Guddiga ka jawaabista Abaaraha ee Gobolka Banaadir oo ka hadlay xaaladaha abaarta dalka gaar ahaan saameynta ay ku yeelaneyso Gobolka Banaadir

Guddiga ka jawaabista Abaaraha ee Gobolka Banaadir oo ka  hadlay xaaladaha abaarta dalka gaar ahaan saameynta ay ku yeelaneyso Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Axadf: January 9, 2022

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga ka jawaabista Abaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ugu hadleen xaaladaha abaarta dalka gaar ahaan saameynta ay ku yeelaneyso Gobolka Banaadir iyo sida loo qorsheyn karo howlaha gargaar ee la siinayo dadka kusoo barakacay Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa shirkooda ku sheegay in usbuucyadii lasoo dhaafay ay soo gaareen xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir dad farabadan oo kasoo barakacay Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan ku howlanaa shaqooyin ay ka mid tahay gacansiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sidoo kale xiriirinta, kor-joogteynta dhamaan Howlaha gargaar bixinta ee ka socda Gobolka Banaadir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post