684 Views

Shiinaha oo sheegay in ay ‘roondo diyaar garow ah’ ka sameeyeen Taiwan

Shiinaha oo sheegay in ay ‘roondo diyaar garow ah’ ka sameeyeen Taiwan
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Milateriga Shiinaha ayaa sheegay in “roondo ay ugu diyaar garoobayaan dagaal” ay ka sameeyeen badda iyo hawada ku xeeran jasiiradda Taiwan oo ay Shiinuhu ku andacoonayaan in uu yahay dhul ay leeyihiin.

Bayaan uu soo saaray, Taliska Bari ee Ciidanka Xoreynta ayaa lagu sheegay in dhoolatuskii dhacay maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen in uu ahaa”tallaabo lagama maarmaan ah” oo ka dhan ah waxa ay ku tilmaameen ” xulafeysiga ay ka dhaxeeyo Mareykanka iyo Taiwan”.

“Waxaan ku boorineynaa siyaasiyiinta Mareykanka ee ay khuseyso inay si dhab ah u hoggaansamaan mabda’a hal-Shiinaha ah, isla markaana si deg deg ah u joojiyaan is-weydaarsiga rasmiga ah ee kala dhaxeeyo Taiwan nooc kasta oo ay tahay ay ka fogaadaan” ayaa yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Zhao Lijian ayaa yiri, sida ay sheegtay Global Times ee ay dowladdu Shiinaha maamusho.

Arrintan ayaa kusoo adeyso iyadoo uu Mareykanka horay u sheegay in uu Taiwan difaaci doono hadii uu Shiinaha soo weeraro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post