678 Views

Uganda Airlines oo ka shaqo bilaabeysa Hargeysa

Uganda Airlines oo ka shaqo bilaabeysa Hargeysa
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 08, 2021
—-Shirkadaha diyaaradaha ee Uganda Airlines, ayaa ku dhawaaqday inay ballaadhinayso Duulimaadyada ay ku tagto Dalalka Afrika iyo kuwa Qaaradaha kale, sida Aasiya.

Shirkadda oo rejaynaysa inay soo gaadho diyaaraddii labaad ee Airbus ah oo ay soo iibsatay, ayaa qorshaysay inay sannadkan cusub duulimaadyo Caalami ah bilowdo isla-markaana kordhiso dalalka Afrika ee ay duulimaadyada Joogtada ah ka samayso.

Shirkadda ayaa qorshaysatay inay sannadkan cusub duulimaadyo ka bilowdo Dalalka Afrika ka baxsan ay ka mid ah Mumbai oo Hindia ah, Dubai, London iyo Guangzhou.

Sidaasi oo kale, Shirkadda oo bishii August ee 2019 bilowday duulimaadyadeeda ganacsi, ayaa hadda si toos ah ugu duusha Magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Dar es Salaam, Kilimanjaro, Jubba, Bujumbura iyo Mogadishu.

Laakiin, Qorshaha kale ee Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa ah inay duulimaadyadeeda ku ballaadhiso Dalalka kale ee Afrika, waxayna mustaqbalka duulimaadyo ka bilaabaysaa Kinshasa oo Koongo ah, Zanzibar, Asmara Ereteriya ah, Hargeysa oo Somaliland ah, Lusaka oo ka tirsan Zambia, Harare oo ka tirsan Zimbabwe, Johannesburg oo Koonfur Afrika ah, Jabuuti iyo Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post