687 Views

Falastiin oo ugu digtay Israa’iil in ay waxyelleeyso Masjidka Al-Aqsa

Falastiin oo ugu digtay Israa’iil in ay waxyelleeyso Masjidka Al-Aqsa
____________________________________________________________________________

 

Khamiis: May 5, 2022

Digniin ay si wada jir ah u soo sareen Shacabka, Saraakiisha iyo ciidamada Kooxa  hubeeysan ee reer Falastiiniyiinta, ayay  ugu digeen Ciidamada Yahuudda in ay galaan Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay waxyeello ka geeystaan.

Ciidamada  Israa’iil ayaa la sheegay in ay qorsheeynayaan in Masjidka Al- Aqsa ay ka tagaan calankooda maalinta beri ah, iyagoo u dabaal dagaya sannad guurada waxa Tel Aviv ay ugu yeertay Maalinta Xorriyadda

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas ayaa Bayaan maanta oo Arbaca ah ka soo baxay ku sheegay in iyaga oo kaashana Shacabka ay ka hortagi doonaan damaca ciidamada Israa’iil ay ku doonayaan in berito ay gudaha ugu galaan Masjidka Al-Aqsa, si ay Calankooda ugu tagaan.

Xamaas ayaa Bayaankooda ku soo gabagabeeyay in qasaaraha halkaas ka dhaco mas’uuliyadeeda ay qaadan doonaan Israa’iiliyiinta ku soo duushay.

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibedda  Falastiin ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay mas’uuliyad iska saaran joojinta dagaalka iyo daan-daansiga Ciidamada Israa’iil ay ku hayaan dhulka iyo xurmaha dadka reer Falastiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post