363 Views

Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Ciidamada ugu baaqay ka hortegida weerarada Al-Shabaab

Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Ciidamada ugu baaqay ka hortegida weerarada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 1960-kii.

Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda iyo Qoysaskooda ugu hambalyeeyay Munaasabadaan waxa uuna la wadaagay inay xoojiyaan difaaca dalka iyo hortagga kooxaha aragixisada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin Astaan Qaran oo u taagan difaaca iyo haybada Qaranimada Dalka, isagoo bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabadda 12 April oo ah markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka 1960-kii oo ay kasoo wareegtay 62 sano.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale hambalyada udiray ehelada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha ayaa ku ammaanay Ciidamada sida nafti hurnimada leh oo ay goor iyo goobkasta cadowga uga difaacaan dalka, asagoona ku dhiirigeliyay in ciidanku ay sii laba jibaaraan dadaalada iyo howlgallada amniga lagu sugaayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post