1410 Views

Booliska Kenya oo ka hadlay xariga falanqeeye Cabduwahaab

Booliska Kenya oo ka hadlay xariga falanqeeye Cabduwahaab
____________________________________________________________________________


Muqdisho |Axad:  September 12, 2021
–Booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay billaabeen baariraanka kiiska Cabduwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah falanweeye, kaas oo dhawaan la afduubtay muddo dhowr maalmood ahna maqan.

Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, oo la kulmay  Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa ballan-qaaday baaritaanno lagu xaqiijinayo

halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab

Sheekh Cabdisamad ay billaabeen, isla markaana ay rajeeynayaan inay heli doonaan halka uu ku dambeeyay.

“In ka badan 48 saacadood tan iyo afduubkii Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, waxaan dib ugu laabaneynaa Bartamaha Ganacsiga ee Nairobi oo ku teedsan wadada Turbman oo markii ugu

dambeysay lagu arkay ayuu yiri” George Kinoti.

Warbaahinta Kenya gaar ahaan  telefishinka Citizen, ayaa shaaciyay in falan qeeye

Cabdiwahab  goobt uu kunsugnaa uu kula kulmay

dad aan la garanayn “kuwaas oo ku qasbay

inuu raaco gaari qafilan oo ku sii jeeday

dhanka degaanka  Muindi Mbingu Street, sidaasina lagu afduubtay.

Dhamaan hoggaanka Sare ee Muslimiinta

Kenya iyo kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ay raadinayaan markhaatiyaal, sida arrinta loo cadeeyo, hayeeshee Madaxa waaxda dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in muddo  7 maalmood gudahood ah uu jawaabo ku heli doono halka uu ku sugan yahay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post