660 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14 2021–Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si cad uga so horjeestay hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka Soomaaliya oo ay horey u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya,waxaana saxiixay Farmaajo,  iyada oo aan loo gudbin Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in lala socdo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray 7 xubnood oo lagu tilmaamay inay kamid yihiin 9 xubnood ee Golaha Addeega Garsoorka laguna soo daray guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha guud tallaabadaasna ay tahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu sheegay in Golaha Shacabka 22-kii Bishii November ee 2020 uu u soo diray Aqalka sare  qaraar uu kusoo ansixiyay 7 Xubnood oo kamid noqonaya Golaha Addeega Garsoorka  kuna jiran guddoomiyaha Maxkamadda Sare  & Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay oo aad u dheer waxaa lagu sheegay in gebi ahaaba ay sharci darro tahay hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka dalka.

Ugu dambeyn Gudodomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in Xeerka kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ee lagu soo saaray xubnaha Golaha addeega Garsoorka uusan laheyn wax raad sharci ah oo ay ku howlgeli karaan, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha & Xukuumadda inay joojiyaan ku xadgudubka qodobo dastuuri ah inta laga soo dhisayo hay’ado Dastuuri ah oo cusub una hoggaansan Dastuurka KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post