678 Views

Midowga Yurub oo ku heshiiyey in 90% la dhimo saliida laga soo iibsado Ruushka.

Midowga Yurub oo ku heshiiyey in 90% la dhimo saliida laga soo iibsado Ruushka.
____________________________________________________________________________


Talaado: May 31, 2022

Guddoomiyaha midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku dhawaaqday in wadamada Midowga Yurub ay ku heshiiyeen shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels in cuno qabatayn dhanka saliida ah lagu soo rogo Ruushka, sababo la xiriira dagaalka uu ku hayo dalka Ukraine.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska #EUCO ee ku saabsan cunaqabateynta shidaalka ee ka dhanka ah Ruushka. Tani waxay si wax ku ool ah u dhimi doontaa qiyaastii 90% saliidda laga keeno Ruushka ee la keeno EU dhamaadka sanadka, ”von der Leyen ayaa ku tiri barteeda  Twitter-ka.

Guddoomiyaha golaha midowga Yurub Charles Michel ayaa sidoo kale dhankiisa ka hadlay tallaabadan.

“Heshiiska lagu mamnuucay dhoofinta saliidda Ruushka ee Midowga Yurub. Tani waxay isla markiiba dabooshaa in ka badan 2/3 ee saliidda laga keeno Ruushka, iyada oo jaraysa ilo dhaqaale oo weyn oo loogu talagalay mishiinkeeda dagaalka. Cadaadiska ugu badan ee Ruushka lagu saarayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu ku yiri bartiisa twitter-ka.

Hindisaha oo ay soo diyaariyeen komishanka Yurub muddo bil laga joogo ayaa waxaa ka mid ahaa in muddo lix bilood ah lagu joojiyo saliida ceyriinka ah ee ka imanaysa Ruushka iyo keenista badeecooyinka sifaysan dhamaadka sanadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post