603 Views

Telefishinkii Qaran Dalka ukrain oo dhulka lala Simay

Telefishinkii Qaran Dalka ukrain oo dhulka lala Simay
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Milateriga Ruushka ayaa duqeeyey anteenoyinka Xarunta Tv-ga Qaranka Ukraine duqaynta ka hor ayay Ruushka u digeen dadka caasimada Kyiv ku nool

Kooxaha gargaarka degdega ah ee Ukraine ayaa waxay sheegeen in shan ruux ay ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday anteenada television ka Kyiv.

Ma cadda in anteenada la beegsaday maadaama ay wali taagan tahay, laakiin qaraxa gantaalka wuxuu hawada ka saaray qaar kamid ah warbaahinta Kyiv.

Waa Maalintii lixaad gulufka dagaal ee Ruushku ku hayo Ukraine, dadka ka faalooda dagaalada ayaa sheegaya in sababaha hakiyey weerarka Ruushka ay tahay iyadoo ciidamadu la kulmeen iska caabin xooggan ayna u baahdeen inay dib isku soo abaabulaan.

Ciidankii ugu badnaa oo wata boqollaal kolonyo gaadiid ah oo xiriirsan 60km ayaa gaaray hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kyiv, tani waxay ka macno tahay isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushku ku doonayo inuu ku qabsado xarunta dalka. Waxay u badan tahay inay qabsadaan laakiin khasaare naf iyo maalba leh ayay ku gaari karaan taas.

Dhinaca kale, Magaalada dhacda waqooyiga bari ee Okhtyrka gantaal ciidamada Ruushku ku dhufteen xarun ciidamada Ukraine leeyihiin waxaa ku dhintay 70 askari, sidaasi waxaa lagu sheegay war lagu qoray barta Twitter-ka Baarlamanka Ukraine, waxaa lagu tilmaamay askarta geeriyootay “Geesiyaal”.

Ruushku meelaha uu ka xoojiyey weerarkiisa waxaa ka mid ah magaalada Kharkiv oo ku taal waqooyi galbeed, halkaasi oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo lagu riiqmay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post