282 Views

Ciidamada Ukraine oo sheegay in ay dileen 400 askari oo Ruush ah

Ciidamada Ukraine oo sheegay in ay dileen 400 askari oo Ruush ah
____________________________________________________________________________

Isniin: January 2, 2023

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay ku dileen boqolaal askari oo Ruush ah duqeyn gantaalo ah oo ka dhacday gobolka bariga ee Donetsk xilligii bilowga sanadkan ka dib markii duqeyn lala helay dugsi ay asakarta Ruushka u isticmaalayeen saldhig ahaan oo ku yaalla magaalada Malkiivka.

Magaalada Kiyev ayaa xallay la kulantay duqeymo diyaaradaha drone-ka kuwaas oo lala beegsaday goobo kaabayaal ah.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay soo rideen 39 diyaaradaha droneska ee ay Iran Sameyso.

Ruushka ayaa weeeraro aan kala joogsi laheyn ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kiyev iyagoo isticmalaaya diyaaradaha drone-ka maalmihii ugu dambeeyeyy.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post