1398 Views

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeybgalay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamka oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda doorashooyinka iyo qabsoomidda Shirka wadatashiga qaran ee lagu balansanyahay Muqdishu 20ka May 2021.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay iyo sidii loo qaban lahaa shirka wadatashiga doorashooyinka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post