825 Views

“Wasaarad waliba waa in ay soo marisaa heshiisyada ay gasho Xafiiska Xeer ilaalinta” Xeer ilaaliyaha Jubbaland.

“Wasaarad waliba waa in ay soo marisaa heshiisyada ay gasho Xafiiska Xeer ilaalinta” Xeer ilaaliyaha Jubbaland.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-10-2020–Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in Wasaaradaha Maamulkaas laga doonayo in heshiisyada ay saxiixaan usoo gudbiyaan nuqulada heshiiska Xafiiska Xeer ilaalinta.

Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid lagu dabagalayo heshiisyada si loo hubiyo, isla markaana ay ula socdaan, tallaabadaasina ay tahay mid sharci ah oo salka ku heysa dastuurka iyo xeerarka kale ee Jubbaland.

Waxa uu ka digay in la galo heshiis ku saabsan Hantida Danta guud ah oo u baahan in Xafisika Xeer ilaalinta la socoto, maadaama shaqadoodu ay tahay dabagalka iyo ilaalinta hantida Dowladeed.

“Xafiiska Shaqadiisa iyo waajibaadkiisa ayay waajib ka tahay ilaalinta hantida, haddii heshiis lagu galay waxa aan ka eegeynaa in loo maray sifo sharci ah iyo in kale, Waxaa jira kara heshiisyo la galay iyo kuwo kale oo taagan, haddii aan la marsiin Xafiiska Xeer ilaalinta waxa ay dhaawac ku tahay howl shaqeedkiisa” ayuu yiri Maxamed Sheekh Cismaan Xeer Ilaaliyaha DG Jubbaland.

Waa uu hadlay waxa uuna yiri “Sharciga waa kan ka sareeya rabitaanka qofka, Dastuurka ayaa kala caddeynaya awoodaha iyo shaqada hay’ad iyo xafiis waliba, halagu tixgeliyo shaqada aan heyno iyo waajibaadka Dastuurka uu nasiinayo”.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxa uu dhanka kale sheegay in ay hayaan kiisas dacweedyo ku saabsan hub aan sharci loo heysan oo shirkadaha qaar fal dambiyeed ku geysteen.

Waxa uu u digay in cid waliba oo hubka sharci darro ku heysato, isaga oo u jeediyay in ay tagaan waaxda mas’uuliyadda ka saaran tahay diiwaangelinta si loo ogaado kan sharciga iyo midka aan ruqsadda loo heysan.

Deegaanno dhaca Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda waxaa marar kala duwan ka dhacay dagaal salka ku haya isku qabsiga Dhul dan guud ah, qaar kamid ah dadka ayaa ku doodaya in ay heystaan ruqsad Wasaarad iyo mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post