582 Views

Maxkamad ku taal Congo oo xukun dil ah ku ridday dad lagu eedeeyay inay dileen Khuburo ka tirsan Q M.

Maxkamad ku taal Congo oo xukun dil ah ku ridday dad lagu eedeeyay inay dileen Khuburo ka tirsan Q M.
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Maxkamad militari oo ku taal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo ayaa 51 qof ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoona dhowr qof ay yihiin maqane, Dadka xukunka lagu riday ayaa loo heeystaa dacwad wadareed oo ku saabsan dil 2017-kii loo geystay laba khuburo oo  Qaramada Midoobay ka tirsan.

Zaida Catalan, oo Iswidhish ah iyo Michael Sharp, oo Maraykan ah, ayaa baarayay rabshado dhex maray ciidamada dawladda iyo koox hubaysan oo ka dhacay badhtamaha gobolka Kasai bishii March 2017 markaas oo rag hubaysan ay jidka ku joojiyeen, ay galeen beer kadibna ay dileen.

Meydadkooda ayaa laga helay tuulo 28-kii Maarso, 2017, 16 maalmood kadib markii la waayay. Saraakiisha Congo ayaa dilkan ku eedeeyay kooxda hubeysan ee Kamuina Nsapu.

Rabshado ka dhacay gobolka Kasai ayaa ka billowday 2016-kii, taasoo ka dhalatay dil loo geystay madax dhaqameed deegaankaas ah.

Qiyaastii 3,400 oo qof ayaa la dilay, tobanaan kun oo qofna way ka carareen guryahoodii, ka hor intii aanay colaaddu dhammaan badhtamihii 2017-kii.

Inkastoo Ciqaabta dilka ah si joogta ah loogu dhawaaqo kiisaska dilka ah ee ka dhaca DRC, lhadane si joogto ah ayaa loogu beddelaa xabsi daa’im tan iyo markii uu waddanku ku dhawaaqay joojinta xukunnada dilka ah 2003-dii

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post