2343 Views

Wararka Dowladda oo Amar kasoo saartay doorashada Galmudug

Wararka Dowladda oo Amar kasoo saartay doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2019–Amar kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu joojiyey dhaq dhaqaaqyada la xiriira dhinaca doorashada  oo ay wadeen Xubnaha Guddiga doorashada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

Amarkan oo la ogeysiiyey hoggaanka Ahlusunna iyo Saraakiisha Xarunta Inji ayaa lagu sheegay in arrimo la xiriira dhinaca doorashada aysan qaban karin guddi ka madax bannaan guddiga ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

 

 

 

Xubnaha Guddiga oo uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir ayaa looga digay kulamo ku saabsan Arrimaha doorashada,isla markana lagu wargeliyey inay Wakiil ka yihiin Guddiga Dowladu u Magacaawdey Doorashada Galmudug.

 

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa horay u Magacaabey guddiga doorashada Galmudug,kuwaas oo si caadi ah Shaqooyinkooda uga watay Dhuusamareeb,waxaana la ogeyn waxa Shaqadooda uu ka bedeli doono amarkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment