462 Views

Haweeney lacag xaday oo sixiroole u tegtay si ay xabsi uga badbaado

Haweeney lacag xaday oo sixiroole u tegtay si ay xabsi uga badbaado
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inay lacag ka xaday saraakiil ka tirsan dowladda ayaa laga soo xiray guri uu degenaa nin sixiroole ahaa si ay ugu badbaado halkaas oo aan loo xirin, sida ay sheegeen booliska.

Booliska waxay sheegeen in la xiray haweeneyda iyo ninkii sixiroolaha ahaa xilli ay ku sugnaayeen guri caan ah oo sixiroolaha lahaa oo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegay in haweeneyda la dhex galiyay weel uu ka buuxo dhiig shimbir.

Waaxda dambi baarista ee Kenya ayaa barta Twitter-ka ku baahisay qalabkii uu adeegsanayay sixiroolaha.

Haweeneyda ayaa lagu eedeeyay inay xaday $33,700 doolar ah iyo qalabka la isku qurxiyo ay ka xaday guriga saraakiisha dowladda.

Waxaana lagu raad joogay haweeneyda tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Booliska waxay dambiilayaasha uga digeen inay aadaan sixiroolayaasha si ay uga badbaadaan booliska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post