963 Views

Farmaajo, Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada ee RW ee Somalia

Farmaajo, Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada ee RW ee Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 16  2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada meydka AUN RW hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Marxuumka ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo lagu daweynayay,kaidb xanuun haleelay,waxaana ugu dambeyn Maanta la keenay muqdisho si loogu Aaso Garoowe.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasada waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Meydka marxuumka ayaa diyaarad u qaaday magaalada Garoowe halkaas oo lagu aasi doono maanta waxaa ka qeyb galaya aaskiisa guddoomiyaha Aqalka sare,Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo garoowe ku sugan.

Sidoo kale Salaada Janaasada ee lagu dukaday meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post