840 Views

Ahlusunna oo iskaga baxday Deegaanka Ceeldheere oo u dhexeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb

Ahlusunna oo iskaga baxday  Deegaanka Ceeldheere oo u dhexeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Talaado:October 12, 2021

 Wararka ka imaanaya saakay Deegaanka Ceeldheere oo u dhexeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in  Xoogagga Ahlusunna ay isaga baxeen Halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen  degaanka Ceeldheere kadib markii ay isaga baxeen Ahlusunna.

=M Ahlusunna ayaa todobaad ka hor Galmudug ka qabsatay degaankaas Ceeldheere oo qiyaastii 28km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

 Sidoo kale 24 saac ee la soo dhaafay Ahlusunna waxay ka baxeen degmada Matabaan oo ka tirsan  Gobolka Hiiraan iyo degaanka Ceeldheere oo ka tirsan Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post