912 Views

Khilaaf soo kala dhexgalay Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Khilaaf soo kala dhexgalay Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Khilaafkaan Cusub oo u dhaxeeya Gudodomiyaha Baarlamaanka Mamulka Hir-Shabeelle iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa yimid kadib markii Guddoomiye Cusmaan Bare oo Baarlamaanka fasax geliyay,isla markaana xiray kulamada Baarlamaanka.

Hayeeshee tallaabadaas ayaa waxaa ka hortimid guddoomiye kugeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Canab Axmed Ciise ,iyada oo sheegtay in xeritaanka kulamada Baarlaamaanka uu yahay sharcidarro.

Shir jaraaid oo ay ku qabatay Magalada Jowhar ayay ku sheegtay in qof ka maqan gudaha Golaha Baarlamaanka uusan xiri Karin kulamada,isla markaana looga baahan yahay in uu xaadir ku yahay kulamada.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Cusmaan Barre Maxamed looga baahan yahay in uu dib ugu soo laabto Magalada Jowgar, xilli Baarlmaanka uusan kulmin in ka badan Saddex bilood.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment