828 Views

Sacuudiga oo sheegay in uu ka hortagay Gantaalo lagu soo weeraray

Sacuudiga oo sheegay in uu ka hortagay Gantaalo lagu soo weeraray
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada Yeman ayaa maanta Khamiis ah sheegay in ay hawada ku burburiyeen gentaalo Xuuthiyiinta Yeman ku soo tureen magaalada Najraan ee Sacuudiga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SPA.

Subaxnimadii hore ee khamiistan maanta, isbaheysiga waxay sheegeen in ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyd oo qaraxyo lagu soo xirey kuwaas oo kooxda Xuuthiyiinta ku soo ganeen jahada magaalada Sacuudiga ee Najraan.

Huwanta Sacuudiga hogaamiyo ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ay ku celcelinayeen wararka ku saabsan weerarada gentaalada ah ee Xuuthiyiinta la beegsadaan bartilmaameedyo Sacuudiga ku yaala.

Yeman ayaa tan iyo 2014 waxay ku jirtaa dagaal saameeyay guud ahaan dalkaas, waxaa uu u dhexeeyaa kooxda Iraan taageerto ee Xuuthiyiinta iyo huwanta Sacuudiga hogaamiyo ee ka socda dalalka Suniga ah.

Bishii maarso 2015, ayuu bilowday dagaalka u dhexeeyay isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo iyo Xuuthiyiinta waxaana u jeedku ahaa in xukunka lagu soo celiyay dowladda madaxweyne Cabdi Rabbi Mansoor Haadi oo Xuuthiyiinta xukunka ka fara maroojiyeen 2014.

Dagaalka Yeman waxaa ku dhintay in ka badan 100,000 oo ruux, iyadoo 80% bulshada Yeman ku tiirsan yihiin kaalmo dibadda ah halka malaayiin kale qarka u saaran yihiin macluul, sida ay sheegeen hey’adda gargaarka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post