366 Views

Ku dhawaad ​​9,000 oo askari oo reer Ukraine ah oo la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushk

Ku dhawaad ​​9,000 oo askari oo reer Ukraine ah oo  la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushk
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

Ku dhawaad ​​9,000 oo askari oo reer Ukraine ah, ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, sida uu sheegay taliyaha guud ee ciidanka dowladda Ukraine, General Valeriy Zaluzhny.

Hadalka Zaluzhny, oo ay soo warisay wakaaladda wararka ee Interfax-Ukraine, ayaa bixinaysa qiyaasta tirada khasaaraha, tan iyo markii uu dagaalka billowday ku dhawaad ​​lix bilood ka hor.

Bishii Juun, la taliyaha madaxweynaha ee dowladda Ukraine, Oleksiy Arestovych, ayaa sheegay in 10,000 oo askari ay dhinteen tan iyo bilowgii dagaalka.

Ruushka ayaan soo gudbinin tirada rasmiga ah ee dhimashadooda, tan iyo 25-kii bishii Maarso, markaasoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in 1,351 askari iyo saraakiil inay dhinteen.

BBC-du ma xaqiijin karto sheegashada labadda dhinac, laakiin baaritaan dhowaan ay samaysay BBC-da qeybteeda Ruushka la hadasha, oo ku salaysan ilo madax bannaan, ayaa soo jeedinaysa in – laga bilaabo 19-kii Ogosto – inay jiraan 5,701 oo la xaqiijiyay dhimashada askarta iyo saraakiisha u dhashey Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada la xaqiijiyay ee ay BBC-du heshay, ayaa laga yaabaa inay ku jiraan ugu yaraan 40 illaa 60%, magacyo ka tiro yar kuwa sida dhabta ah loo aasay ee u dhashey Ruushka, iyadoo baaritaanku uu ku saleysan yahay warbixinnada dhimashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post