1188 Views

RW Kheyre oo kulan deg deg ah la qaatay Hay’adaha Amniga

RW Kheyre oo kulan deg deg ah la qaatay Hay’adaha Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa xalay kulan deg deg ah waxaa uu la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga dalka,kadib markii uu kormeer ku soo sameeyay in ka badan 30 Isgoys oo ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayay xaalada Amni ee Magalada Muqdisho iyo sidii loo dardargelin lahaa, waxaana goobjoog ka ahaa, Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada,sida Booliska iyo Asluubta iyo guddoomiyaha Gobolkan Banaadir.

 

Wasiir kuxigeenka  Wasaaradda Amniga Cabdi Naasir Siciid Muuse oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu hay’adaha Amniga la wadaagay waxyaabaha uu kusoo arkay Barihii koontorool ee uu kormeerka ku tegay iyo diyaar garoowga Ciida.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Hay’adaha amniga faray dardargelinka sugida Amniga iyo in Hay’adaha Amniga u diyaar garoobaan u adeegida Shacabka inta lagu jiro Maalmaha Ciida.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment