1170 Views

Ciidamo u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaaba Gobolka Galgaduud

Ciidamo u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaaba  Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________


khamiis: September 23, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan  Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ay bilaabeen maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan.

Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in gaadiid dagaal ay saarayaan taasi oo shaki ku abuurtay dadka ka hadla xaalada Gobolada dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post