771 Views

Wasiir Cawa” Kenya waa dalka noogu muhiimsan dalalka deriska”

Wasiir Cawa” Kenya waa dalka noogu muhiimsan dalalka deriska”
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November16, 2020 –
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ugu muhiisan  dowladda Kenya, xilli weli aan xal laga gaarin khilaafka diplumaasiyadeed e u dhaxeeya labada dowladood.

Wasiir Cawada waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar waliba qaadato siyaasad isku soo dhaweyn ah si loo mideeyo wadamada Geeska Afrika gaar ahaan kuwa saameynta ku leh Somaaliya.

“ Mar walba Soomaaliya waxaa ay qaadataa go’aamo isku soo dhawyen ah oo muhiim u ah dalalka Geeska Afrika si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka ayuu yiri” Wasiir Cawad.

Hadalkan oo uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka sheegay furitaankii safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dowladood


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post