1173 Views

Wasiir Fowsiya oo ka hadashay Agaasimihii la xirey

Wasiir Fowsiya oo ka hadashay Agaasimihii la xirey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –Dhawaan waxaa la xirey Agaasimaha qeybta Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,kaas oo la sheegay in loo heysto arrimo la xiriira lacago loogu talo galay COVID 19 oo la musuq maasuqay,waxaana maanta ka hadashay wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

 

Wasiir Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in Agaasimaha oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Buulle la xirey 4-tii Bishaan xilli habeen ah,isla markaana ilaa iyo hadda aan lala wadaagin sababaha loo xirey.

 

 

 

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartey inay socdaan baaritaano ku aadan sababta loo xirey,isla markaana arrintaasi ay kala kaashanayaan xeer ilaalinta Qaranka,Hanti dhowrka,iyaguna ay diyaar u yihiin baaritaan waafi ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment