765 Views

Dowladda oo sheegtay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 3, 2020Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in uu Ciidanka isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kaa so ka howlgalayay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa in Sarkaalka oo lagu Magacaabo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose,isla markaana uu isku soo dhiibay Ciidanka DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sarkaalkaas uu u sheegay in kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dadka Shacabka ah uu go’aansaday in uu isaga soo baxo Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin in Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku wareejiyeen Hay’adaha kala duwan ee Amniga Dowladda Somaaliya,waxaana Xubnaha kale ee ka tirsan Al-Shabaab uu ugu baaqay inay dowladda isku soo dhiibaan.
Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u shaaciyaan inay isku soo dhiibeen Saraakiil kala duwan oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya ama Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post